Isku xirrada

War

Care oo ka Digtay Halista Abaaraha


Care oo ka Digtay Halista Abaaraha

Care oo ka Digtay Halista Abaaraha

Hay'adda Care International ayaa sheegtay in ilaa 8 milyan oo ruux ay cunno yaraan ka dhalatay abaaraha iyo dhibaatooyin kale ku haysato Geeska Afrika.

Hay'adda Caalamiga ee Care International ayaa soo saartay baaq ku aadan abaaraha ka jira dalalka Geeska Afrika.

Hay'addu waxay sheegtay in cunno yaraan ba'an ay soo wajahday ilaa 8 milyan oo ruux oo ku nool wadamada Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, iyo Kenya.

Hay'addu waxay sheegtay in cunno yaraanta ka jirta dalalkaasi ay ka dhalatay Abaaraha ka jira gobolka, saboolnimada, dadkoo u nuglaaday xaaladaha adag, caddaalad darrada dhanka bulshada iyo isbedelka cimillada.

Hay'addu waxay sheegtay in dhibaatooyinkaasi ay dadku u sii raaceen qiimaha lagu iibsado cunotada oo aad u kordhay.

XS
SM
MD
LG