Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibadbax Nabadeed Oo Ka Dhacay Kismaayo


Banaanbaxan oo ka dhacay fagaaraha Beerta Xoriyadda, ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan maamulka Jubaland.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta ka dhacay banaanbax lagu taageerayey hesiiska nabadeed ee laga gaaray xiisadda colaadeed ee magaalada Gaalkacyo.

Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen mas’uuliyiinta maamulka Jubblanad, laguna qabtay fagaaraha Beerta Xoriyadda, ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyne iyo xubno ka tirsan maamulka Jubaland.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubaland Suldaan cabdulqaadir Lugadheere oo ka hadlay banaanbaxa, ayaa ugu baaqay Galmudug iyo Puntland inaysan ku deg degin xabadda, oo ay nabadda qaataan.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay madaxda Puntland iyo Galmudug inay fuliyaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

“Xabadda ha la joojiyo, nabadda ha noolaato” ayaa ka mid ah erayadii ay dadka banaanbaxa ka qeyb galay ku qeylinayeen.

Khadar Maxamuud Xareed, ayaa warbixintan nooga soo diray Kismaayo.

Banaanbax Kismaayo ka dhacay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:49 0:00

XS
SM
MD
LG