Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Caddow: Dagaal Xal ma Keenayo


Caddow: Dagaal Xal ma Keenayo
Caddow: Dagaal Xal ma Keenayo

Siyaasiga C/laahi Axmed Caddow ayaa sheegay inaan dagaal xal lagu gaari karin, isagoo ku baaqay shirweyne ay Soomaalidu isugu timaado.

Siyaasiga rugcadaaga ah ee C/laahi Axmed Caddow oo ahaa safiir hore, sidoo kalena ka mid ahaa musharixiin u tartamay xilka madaxweynenimada Soomaaliya ayaa sheegay inaan wax xal ah lagu gaari karin dagaallada ka socda Somalia gaar ahaan Muqdisho.

C/laahi Caddow, wuxuu sheegay in dagaalladu ay yihiin dagaallo magaallo, isla markaana aan lagu kala adkaan karin, wuxuuse dhinacyada dagaalka ugu baaqay inay khilaafkooda wadahadal ku dhameeyaan.

Siyaasigan, wuxuu ku baaqay in gudaha Somalia, gaar ahaan meelaha nabaddu ay ka jirto in lagu qabto shirweyne ay ka soo qeyb galaan dhamaan qeybaha kala duwan ee isku haya siyaasadda Somalia si looga hadlo xal u helida iyo dhameynta dhibaatada iyo colaadda ka jirta Somalia.

C/laahi Caddow, wuxuu sidoo kale sheegay in muddo kororsiga baarlamaanka Somalia uu yahay mid xad dhaaf ah oo aan loo baahnayn isla markaana aan waxba soo kordhin doonin.

Qeybtan hoose ka dhageyso wareysi ay VOA-du la yeelatay C/laahi Axmed Caddow.

XS
SM
MD
LG