Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cadaado: Nin u dhashay Britain oo la sii daayay


Cadaado: Nin u dhashay Britain oo la sii daayay
Cadaado: Nin u dhashay Britain oo la sii daayay

Frans Barnard oo u dhashay dalka Britain afduubna loo haystay ayaa la sii daayay. Frans wuxuu ka tirsan yahay Save the Children.

Frans Barnard oo u dhashay dalka Britain koox hubeysanna ay 5 maalmood ka hor ka afduubteen magaalada Cadaado ayaa xalay la sii daayay.

Frans wuxuu u shaqeeyaa Hay'adda Save the Children. Wareysi ay VOA-du la yeelatay Frans ayaa wuxuu ku sheegay in caafimaadkiisu fiican yahay, Frans ma uusan sheegin in siideyntiisa lacag madax furasho ah la bixiyay, balse wuxuu ku baaqay in la sii daayo lamaanaha u dhashay dalka Britain ee lagu haysto deegaanno ka tirsan bartamaha Somalia.

Maamulka Ximmin iyo Xeeb ayaa ku guuleystay siideynta Frans Barnard. Maxamed Adan Tiiceey, madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa VOA-da u sheegay in kaddib culeys fara badan oo ay saareen kooxdii afduubka geystay ay u suurogashay in ninkan la sii daayo. Tiiceey wuxuu sheegay inaanu jirin wax madax furasho ah oo la bixiyay siideynta ninkaasi.

Dhageyso wareysiyada Frans Barnard iyo Madaxweyne Max'ed Adan Tiiceey.

XS
SM
MD
LG