Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabsi Dagaal oo ka jirta Gobolka Bay


Cabsi Dagaal oo ka jirta Gobolka Bay
Cabsi Dagaal oo ka jirta Gobolka Bay

Ciidamada Ethiopia iyo kuwa DKMG ah oo wada socda ayaa lagu soo waramayaa inay u soo dhaqaaqeen dhinaca degaanka gobolka Bay ee Koonfur Galbeed Somaliya.

Ciidamada oo aad u fara badan ay shalay ku soo biireen ciidamo cusub oo Ethiopian ah ayaa haatan ku sugan degaanka Yurkud.

Cabsi xooggan ayaa la soo deristay dadka Ku nool degmooyinka Bardaale, Awdiinle, iyo tuulooyin ku xeeran, ka dib markii ay ka war heleen guluf colaadeed ee ku soo wajahan Gobolka. Qaar ka mid ah dadka degaanka oo ay VOA la hadashay ayaa sheegay in degaanadaasi ay dadku bilaabeen inay ka qaxaan, iyagoo ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo.

XS
SM
MD
LG