Isku xirrada

War Deg-Deg ah

C/xakiin: agaasimaha falal argagixiso ayaa loo haystaa


C/xakiin: agaasimaha falal argagixiso ayaa loo haystaa
C/xakiin: agaasimaha falal argagixiso ayaa loo haystaa

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdixakiim Axmed Guuleed ayaa sheegay in Agaasimaha Horseed-media loo haysto arrimo argagixiso.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland, Cabdixakiim Axmed Guuleed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xadhiga agaasimaha Idaacadda Horseed-media, isagoo shaaca ka qaaday in agaasimaha loo haysto ku lug-lahaanshaha falal argagixiso ah.

Wasiirku, wuxuu sheegay in xeer-ilaalinta Puntland ay u xaqiijiyeen in agaasimaha loo haysto arrimo la xidhiidha argagixisada, isla markaana sharciga lagu xidhay uu yahay sharciga argagixisada ee dhawaan maamulka Puntland uu meel mariyay.

Wasiirku, wuxuu iska fogeeyay eedaha ka imanaya ururada Saxaafadda oo si weyn iyagu u canbaareeyay xadhiga agaasimaha, isagoo sheegay in maamulka Puntland ay ka go’an tahay isbar-bar taagidda xorriyadda fikirka hadalka.

Wareysiga oo dhamaystiran qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG