Isku xirrada

Cabdi Xaaji Goobdoon Oo Saaka Geeriyooday


Cabdi Xaaji Goobdoon (Sawirka Radio Muqdisho)

Cabdi Xaaji Goobdoon (Sawirka Radio Muqdisho)

Cabdi Xaaji Goobdoon, oo ahaa rug caddaa saxaafadeed ayaa waxaa kusoo booday xanuun dhinaca wadnaha.

Allaha u naxariistee, waxaa saaka maagalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku geeriyooday Cabdi Xaaji Goobdoon, oo ahaa rug caddaa saxaafadeed, oo si weyn looga yaqiinay Soomaaliya.

Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa la sheegay inuu kusoo booday xanuun dhinaca wadnaha ah.

Cabdi Xaaji Gobdon, ayaa waxa uu ahaa la taliyaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ee dhanka arrimaha warfaafinta.

Waxa uu sidoo kale kasoo shaqeeyey Radio Muqdisho, isaga oo iminka xubin ka ahaa Akademiyadda Dhaqanka Soomaaliya iyo Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga.

Waxa uu mar noqday weriyihii gaarka ahaa ee madaxweynahihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, ayaa ka tacsiyeeyey geerida Cabdi Xaaji Goobdoon.

Weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdi ayaa taraiikhda marxumka ka waraystay suxifiga ay saaxiibka ahaayeen Siciid Cabdisalaam.

XS
SM
MD
LG