Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabdi Qaybdiid oo Qarax ka Bad-baaday


Cabdi Qaybdiid oo Qarax ka Bad-baaday
Cabdi Qaybdiid oo Qarax ka Bad-baaday

General Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa ka bad-baaday qarax ismiidaamin ah oo galabta lagula eegtay gurigiisa magaalada Gaalkacyo.

Gen. Cabdi Qeybdiid ayaa VOA u sheegay in laba qof ay gurigiisa soo weerareen, kaddibna mid ka mid ah labadaasi nin uu guriga dhex-diisa isku qarxiyay.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen laba ka mid ah ilaaladiisa, qofkii is-qarxiyay iyo haweenay ku sugnayd guriga bannaankiisa.

XS
SM
MD
LG