Isku xirrada

War

Cabbaas oo QM ka Dalbay Dowlad Madaxbanaan


Cabbaas oo QM ka Dalbay Dowlad Madaxbanaan

Cabbaas oo QM ka Dalbay Dowlad Madaxbanaan

Madaxweynaha maamulka Falastin Max'uud Cabbaas ayaa Ban ki-Moon si rasmi ah ugu gudbiyay codsi uu ku dalbayo dowlad madax-bannaan oo ay yeelato Falastiin.

Khudbad uu gudbinta codsigaasi kaddib jeediyay ayuu Cabbaas wuxuu ku sheegay in la gaaray xilligii ay Falastiin heli lahayd dowlad madax banaan kaddib markii ay muddo sannado badan ay ku hoos noolayd gumeysi iyo dhibaato.

Dhinaca kale, raisal-wasaaraha Israel, Netanyahu ayaa isna sheegay in sida kaliya ee Falastiin ay dowlad ku heli kartaa uu yahay waddahadal dhexmara iyaga iyo Falastiin

XS
SM
MD
LG