Isku xirrada

War

Caalin: Doorasho ayaan Filaynaa


Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug, Maxamed Axmed Caalin ayaa sheegay in shirkii Nairobi ay uga soo baxday in doorasho ay dhacayso.

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Maxamed Axmed Caalin ayaa sheegay in shirkii Nairobi ay kula yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay uga soo baxday in doorasho ay dhacayso.

Caalin wuxuu sheegay in Golaha Amniga uusoo jeediyay in la qabto doorashada madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ka hor bisha August ee sanadkan. Hase yeeshee wuxuu sheegay inay socon doonto wixii ay Soomaalidu isku afgarato.

XS
SM
MD
LG