Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Buur Hakaba: al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo Dagaalamay


Buur Hakaba: al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo Dagaalamay
Buur Hakaba: al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo Dagaalamay

Maleeshiyada Xisbul-Islaam ayaa kuwii al-Shabaab degmada Buur Hakaba, Ilaa lix ruux ayaa ku dhimatay.

Xaaladda degmada Buur Hakaba ayaa degan caawa ka dib markii maanta uu halkaasi dagaal ku dhexmaray maleeshiyooyinka al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Iska horimaadka ayaa istaagay gelinkii dambe ee maanta, markii laga saaray magaalada maleeshiyooyinka Xisbul Islaam oo iyagu saakayto kala wareegeen kooxda al-Shabaab.

Dagaalka waxaa ku dhintay inta la ogyahay ilaa 6 ruux oo dhammaantood ahaa dhinacyadii dagaallamayay.

Goob joogayaal ku sugan degmada Buur Hakaba ayaa VOA-da u xaqiijiyay in inka badan 13 ruux oo ka tirsanaa maleeshiyada Xisbul Islaam ee dagaalamayay ay gacanta ku dhigeen kooxda al-Shabaab, lamana sida ay ka yeeli doonaan.

Dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha ayaa caadi ku soo laabtay.

XS
SM
MD
LG