Isku xirrada

War

Burcadda oo lacag madax furasho ah la siiyay.


Burcad-badeedda Soomaaliya ayaa siidaayay markab sitay calanka Britain, kadib markii lacag madaxfurasho ah ay ka qaateen markabkaasi.

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa sii daysay markab sitay calanka Britain oo ah nooca qaadda waxyaabaha kimikada ah oo ay qafaasheen sanadkii hore kadib markii laga siiyay lacago madax furasho ah.

Ciidamada reer Yurub ee la dagaalanka burcad-badeedda ayaa waxaa lagu sheeggay in burcadaasi subaxnimadii khamiistii ee shalay lacago madax furasho ah loogu geeyay markabka dushiisa,

Markabkan oo la yiraahdo St James Park ayaa waxaa lagu haystay Deegaanka Garacad

Wax tafaasiil ah lagama bixnin inta ay le'egtahay lacagta ay burcad-badeeddu ka qaateen sii daynta markabkaasi

Markabkan oo ah nooca qaadda waxyaabaha kimikada ah ayaa waxaa la qabsaday bishii December ee aynu ka soo gudubnay 28-keedii, waxaana uu markaasi ku sii jeeday wadanka Thailand isagoo ka yimid dalka spain.

Markabkan waxaa saarnaa 26 qof oo shaqaale ah oo u kala dhashay wadamada Filibiin, Ruushka, Georgian, Romanian, Bulgarians, Ukrainians, Poland, Indians iyo Turkey.

XS
SM
MD
LG