Isku xirrada

War

Burcadbadeedda oo Garaaca la Haystayaasha


Burcadbadeedda oo Garaaca la Haystayaasha

Burcadbadeedda oo Garaaca la Haystayaasha

Mr. Mwangura waxa uu ka digay in maraakiibta caalamiga ee dagaalku inay ku dhowaadaan kuwa la haysto.

Khabiir dhinaca badaha oo ku sugan Bariga Afrika ayaa sheegay in burcad-badeedda Soomaalida ay si xun ula dhaqmaan rakaabka la-haystayaasha ah ee saaran maraakiibta caalamiga ah ee ku afduuban Xeebaha Soomaaliya.

Andrew Mwangura oo ah xiriiryaha Barnaamijka Kaalmaynta Badmaaxiinta Bariga Afrika oo ku sugan magaalada Mombasa ayaa u sheegay VOA in burcad-badeeddu ay garaacaan la-haystayaasha qaarkood, kuwo kalena ay badda ku tuuraan kadib marka ay kusoo dhowaadaan maraakiibta caalamiga ah ee dagaalka ee u jooga xeebaha Soomaaliya arrimaha la dagaalanka burcadbadeedda.

Mwangura ayaa ka digay in maraakiibtaasi dagaalku ay u dhowaadaan kuwa lahaysto.

XS
SM
MD
LG