Isku xirrada

War

Burcadbadeed Rabta Madaxfurasho


Burcadbadeed Rabta Madaxfurasho

Burcadbadeed Rabta Madaxfurasho

Burcadbadeeddu waxay sheegeen inay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan muwaadiniinta Maraykanka ee saaran dooni lagu raaxeysto oo ay afduubteen.

Burcadbadeedda Soomaalida nin u hadlay ayaa sheegay in ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan muwaadiniinta Maraykanka ee saaran doon kuwo lagu raaxeysto oo lagu magacaabo Questo oo ay burcadbadeeddu Jimcihii ka soo afduubteen xeebaha ka baxsan Soomaaliya.

Burcadbadeedkaasi oo magaciisa ku soo koobay Dabshid ayaa sheegay in aysan waxyeello u geysan doonin lahaystayaasha Maraykanka, ayna weydiisan doonaan lacag madaxfurasho ah oo uusan sheegin cadadkeeda.

Maraykanka ayaa sanadkii 2009-kii dilay saddex burcadbadeed ah, mid afaraadna todobaadkii hore maxkamad ku taalla New York ay ku xukuntay ku dhowaad 34 sano, kuwaasoo ku lug lahaa afduub loo geystay Markab Maraykanku leeyahay oo lagu magacaabo Maaresk Alabama.

XS
SM
MD
LG