Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcadbadeed Markab Dad kala Degay


Burcadbadeed Markab Dad kala Degay
Burcadbadeed Markab Dad kala Degay

Kooxaha burcadbadeedu waxay sheegeen inay la degi doonaan muwaadiniinta dalalka Hindiya, Netherland iyo Kuuriyada Koonfureed.

Burcadbadeed Soomaali ah ayaa markab laga leeyahay dalka India ee ay sii daayeen waxay kala hareen muwadiiniin la socotay oo u dhashay dalkaasi.

Nin magaciisa ku soo koobay Xirsi oo sheegay inuu ka tirsan yahay burcadbadeedda Soomaalida ayaa sheegay in ay go'aansadeen inay la haraan muwaadiniinta dalalka India, Kuuriyada Koonfureed iyo Netherland, si ay ugu bedeshaan burcadbadeed ku xir xiran dalalkaasi.

Tallaabadan ayaa noqoneysa farsamo cusub oo ay burcadbadeeddu ku doonayaan inay kaga hortagaan in rag iyaga ka tirsan xabsiyada loo taxaabo.

XS
SM
MD
LG