Isku xirrada

War

Burcad-Badeedda oo ka cararay Xarar-dheere


Burcad-badeedda ayaa sadex markab oo ay afduub ahaan u haystaan kala cararay Xarar-dheere, kadib markii ay halkaasi qabsadeen Xisbul-Islam.

Burcad-badeedda Somalia ayaa sadex markab oo u afduuban kala cararay degmada Xarar-dheere, kadib markii kooxda Xisbul-Islam ay axaddii qabsadeen degmadaasi.

Burcad-badeeddan oo maraakiibtaasi u dhaqaajiyay gudaha badweynta ayaan ilaa haatan la ogeyn meesha ay ku wajahan yihiin, balse waxaa la sheegayaa inay tagi doonaan degmada Hobyo oo ay ku sugan yihiin burcad-badeed kale.

Afhayeen u hadlay kooxda Xisbul-Islaam ee qabsatay Xarar-dheere, ayaa sheegay in sababta ay u qabsadeen Xarar-Dheere ay tahay sidii ay shareecada Islaamka ugu soo rogi lahaayeen halkaasi.

Burcad-badeedda Somalia ayaa haatan gacanta ku haya maraakiib gaaraysa ilaa 24 markab oo ay afduub ahaan ka soo qabsadeen xeebaha iyo biyaha ku hareeraysan Somalia.

XS
SM
MD
LG