Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcad Badeedda oo Doonyo Sii Daayay


Budhcad badeedda Soomaalida ah ayaa sii daayay saddex doonyood oo kuwa xamuulka qaada oo laga leeyahay dalka India.

Urur Saldhigiisu yahay dalka Kenya oo lagu magacaabo Ecoterra ayaa sheegay in todobaadkii hore la siidayay sadexdaasi doonyood.

Andrew Muwangara oo ka tirsan Barnaamijka badbaadinta badmareenada bariga afrika, ayaa u xiqiijayay wakaaladda wararka ee Reuters maanta oo arbaca ah in la sii daayay doonyahaasi.

Ururka Ecoterra ayaa sheegay in mid ka mid ah doonyahaasi uu shidaalkii ka dhamaaday, iyada oo mid kalena la bililqaystay , halka kan saddexaadna loo adeegsaday isku day la doonayay in markab kale lagu soo afduubtu, arrintaasi oo aakhirkii fashilantay.

Budhcad badeedda ayaa muddooyinkan dambe kordhiyay afduubka maraakibta iyaga oo tan iyo bishii hore ee March oo kaliya afduubtay ugu yaraan 16 markab, waxaana ay afduub u haystaan ku dhawaad 100 ka mid ah shaqaalaha maraakiibta.

XS
SM
MD
LG