Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcad-badeedda oo afduubtay markab


Burcad-badeedda Soomaalida ayaa markab xamuul oo Turkey laga leeyahay kasoo afduubtay badweynta Hindiya.

Burcad-badeed Soomaali ah ayaa afduubtay markab xamuul ah oo Turkey laga leeyahay, kaasoo ay saran yihiin 21 shaqaaale ah.

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ka dhanka ah burcad-badeedda ayaa sheegay in markabkan oo lagu magacaabo MV Frigia laga afduubtay badweynta Hindiya maanta oo salaasa ah isagoo ka soo socday Masar kuna wajahnaa dalka Thailand.

Ciidamada Yurub, waxay sheegeen in markabka uu haatan u muuqdo mid u sii socda xarumaha burcad-badeedda ee xeebta bari ee dalka Somalia.

Shaqaalaha saran markabkan ayaa ka kooban 19 Turkey ah iyo 2 Ukrain ah.

Ciidamada badda ee Midowga Yurub waxay sheegeen in afduubka markabkan uu ka dhacay meel 1850 KM dhinaca bari kaga toosan xeebta waqooyi bari ee Somalia, taasoo ah meel u dhow dalka India, waxayna taasi noqonaysa meeshii ugu dheerayd ee burcad-badeeddu ay weeraro ka geystaan.

XS
SM
MD
LG