Isku xirrada

War

Burcad-badeedda oo afduubtay markab


Burcad-badeed dulsaaran markab

Burcad-badeed dulsaaran markab

Budhcad-badeed Soomaali ah ayaa afduubtay markab laga leeyahay dalka Sucuudiga oo ay saarnaayeen 14 shaqaale ah.

Saraakiisha dhinaca badda ayaa sheegaya in Markabkan oo lagu magacaabo Al-Nisr Al Sucuudi, la afduubtay maanta oo Isniin ah isaga oo ka soo ambabaxay dalka Japan kuna sii jeeday Magaalada Jidda ee Sucuudiga.

Shaqaalaha markabka saaran ayaa isugu jiray 13 u dhashay Srilanka iyo Kaptanka oo u dhashay Giriigga.

Saraakiisha ciidamada badda ee Midawga Yurub ee ku sugan xeebaha Somalia ayaa sheegaya in markabka lagu hayo xeebta Garacad ee Somalia.

Midawga Yurub ayaa sidoo kale sheegay in markabkan aanu ka diiwaangashanayn Waaxyaha u qaabilsan diiwaangalinta maraakiibta isla markaana waxaa uu ku socday meel ka baxasan marainka ay ilaaliyaan maraakiibta dagaalka ee midawga Yurub.

XS
SM
MD
LG