Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcad-badeed la qabtay


Ciidamada badda ee Spain ayaa qabtay markab weyn iyo dooni ay saaran yihiin 8 qof oo Soomaali ah oo burcad-badeed ah.

Ciidamada badda ee Spain ayaa sheegay in ay xeebaha Somalia ka soo qabteen 8 qof oo looga shikisanyahay in ay yihiin burcad badeed.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Spain, ayaa war saxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay in ay qabteen markab weyn iyo dooni yar , kuwaasi oo baadhitaan lagu sameeyay lagana helay hub saarnaa.

Ciidamada Spain ayaa sheegay in iyaga oo dhaqan galinaya heeshiiska Midawga Yurub ee hawlgalka ATALANTA ee lagu ilaaniayo xeebaha Somalia ay burburiyeen Markabkii weynaa ee ay qabteen.

Markabkaasi ayay ciidamdu sheegeen in ay filayaan in uu ahaa mid ka mida ah saldhigyada laga hago burcadda.

Dhiibaatada burcad badeedda ayaa saamayn weyn ku yeelatay xeebaha Somalia in kasta oo hay’addaha hawalaha Maraakiibtu ay sheegeen in joogitaanka ciidamada caalmiga ah ay hoos u dhigeen khatartii burcad badeedda.

XS
SM
MD
LG