Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo Weerartay Buuloburde


Ciidanka Djibouti ee ku sugan Soomaaliya
Ciidanka Djibouti ee ku sugan Soomaaliya
Goobjoogayaal ku sugan magaalada Buuloburde ayaa idaacadda VOA u sheegay in ugu yaraan 11 askari ay ku dhinteen 20 kalena ay ku dhaawacmeen weerar saacadihii hore ee saaka ay ururka akl-Shabab ku soo qaadeen magaalada.

Dadka dhintay waxaa ku jira Abbaanduulihii ciidamada dawladda Soomaaliya ee Gobolka Hiraan Korneel Maxamed Amiin Nur, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen.

Guddoomiyaha gobolka Hiran Cabdi Faarax Laqanyo ayaa VOA u sheegay in askarta dhimatay ee 11 ah ay kala yihiin 5 Djiboutian ah iyo 6 askarta dowladda Soomaalida ah,

Magaalada Buuloburde ayaa maalintii Khamiista ee toddobaadkii hore ay qabsadeen ciidamada ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM.

Dawladda Soomaaliya oo taageero ka helaysa ciidamada AMISOM ayaa ilaa lix magaalo oo ay ku jirto Buuloburde ka qabsatay maleeshiyada al-Shabab tan iyo intii hawlgalkan uu bilowday horraantii bishan.
XS
SM
MD
LG