Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gordon Brown oo qaabilay Sheekh Shariif


Ra'iisul-wasaaraha Britain Gordon Brown ayaa xaruntiisa ku qaabilay madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed

Gordon Brown, Ra'iisul-wasaaraha Britain ayaa guriga 10 Down Street ee London wuxuu maanta ku qaabilay madaxweynaha Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo wasiirro dowladiisa ka kooban.

Kullankaasi ayaa qaatay 20 daqiiqo waxay labada dhinac uga hadleen xaallada Somalia. Madaxweyne Shariif ayaa Brown uga warbixiyay xaallada Somalia ay haatan ku sugan tahay, isagoo ka codsaday in taageero laga siiyo dowladiisa sidii ay dib ugu soo celin lahayd amniga Somalia.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisu waxay isla 10 Down Street kulan la qaateen xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britan David Miliband.

Madaxweyne Shariif waxaa kaloo uu khudbad ka jeedinayaa guriga Chatham house.

XS
SM
MD
LG