Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain: Waan ka walaacsannahay Dagaallada Somalia


Britain: Waan ka walaacsannahay Dagaallada Somalia
Britain: Waan ka walaacsannahay Dagaallada Somalia

Dowladda Britain ayaa sheegtay in ay si aad u wayn ay uga walaacsan tahay dagaallada Mogadisho iyo dadka rayidka ah ee dagaaladaasi ku dhintay amaba ku dhaawacmay

Hadalkan ayaa lagu soo sheegay war-saxaafadeed uu ka soo saaray safaaradda Britain ee Nairobi sarkaalka ugu sareeya ee safaarada Nairobi ugu qaabilsan dalka Somalia Matt Baugh.

Sarkaalku wuxuu sheegay in aan sinaba loogu qiil samayn karaynin weerarrada dhawaanahan lagu qaadayay dadka rayidka ah iyo dilkii loo gaystay ciidamada ka socda Midawga Africa.

Sarkaalkaasi waxaa uu sheeggay in ay dawladda Britain ay tacsi u dirayso dawladda wadanka Uganda, Midawga Africa iyo qoysaska dhamaanba dadkii ku dhintay dagaalada dhawaanahan ka dhacayay.

Warkan ayaa waxaa lagu xusay in ay dawladda Britain ay ka go’an tahay in ay taageerto hanaankii Djibouti oo ay la shaqaynayso DKMG, ciidamada AMISOM iyo xulafada kale ee caalamiga ah, kana wada shaqeynayaan sidii loo heli lahaa Somalia oo nabad ah oo xasilooni ay ka jirto.

XS
SM
MD
LG