Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biritan iyo Maraykanka oo Heshiis Ka Gaaray Yemen iyo Soomaaliya


Biritan iyo Maraykanka oo Heshiis Ka Gaaray Yemen iyo Soomaaliya
Biritan iyo Maraykanka oo Heshiis Ka Gaaray Yemen iyo Soomaaliya

Ra'iisul Wasaaraha Biritan Gordon Brown ayaa sheegay inuu Maraykanka la gaaray heshiis wax looga qabanayo halista xagjirnimada ee kaga imanaysa Yemen iyo Soomaaliya.

Dawladda Biritan ayaa sheegtay inay heshiis kula gashay dawladda Maraykanka maalgelinta ciidamo booliis ah oo la dagaalama argagixisada dalka Yemen maalmo yar kadib markii la isku dayey in la qarxiyo diyaarad laga leeyahay dalkan Maraykanka.

Ra’iisul Wasaaraha Biritan Gordon Brown war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa Downing Street xalay ayuu ku sheegay in dhinaca kalena isaga iyo Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ay doonayaan in ciidamo ballaadhan oo nabad ilaalin ah la geeyo Soomaaliya si ay ula dagaalamaan xagjirnimada qalalaasaha wadata ee gobolka. Maalitnii Jimcihiina ururka Al-Shabab waxay sheegeen inay dagaalyahanno u diri doonaan dalka Yemen si ay u caawiyaan ururka Al-Qaacida.

Haddaba maxay tallaabadan cusub ee diblomaasiyadeed ee ay ku dhaqaaqeen Maraykanka iyo Biritan ay uga dhigan tahay Soomaaliya?. Su’aashaashi iyo kuwo kaleba waxaan ka waraysanay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, Madaxa Qaybta Juquraafiga iyo Daraasaadka Caalamiga ah ee Jaamacadda Minesota.

Waraysigan ka dhagayso dhinaca midigta kore

La Xiriira

XS
SM
MD
LG