Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain: Putin Oo Lagu Eedeeyey Summeyn


Xaakim British ah ayaa sheegay in Putin uu ansixiyey qorshe lagu sumeeyey jaajuus ka tirsanaan jiray KGB-da oo London lagu dilay.

Xaakim British ah, ayaa khamiista (1/21/2016) sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ansixiyey qorshe lagu sumeeyey Alexander Litvinenko, oo ahaa jaajuus ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Russia ee KGB.

Litvinenko ayaa geeriyooday 10 sano ka hor kadib markii uu cabay koob shaah ah, oo xaakim Robert Owen u sheegay in loogu daray sun.

Waxa yar kahor inta uusan geeriyoon, ayaa Litvinenko isaga oo saaran sariirtii uu ku naf baxay, waxa uu ku eedeeyey Putin inuu bixiyey amarka lagu khaarijiyey.

Warbixin muddo la sugayey oo uu soo saaray, ayuu Owen ku sheegay in Dmitry Kovtun iyo Andrei Lugovoi oo ka tirsanaa KGB-da, ay fuliyeen dilka oo ay maleegtay hay’adda FSB ee Ruushka, oo ah hay’adda beddeshay KGB.

Labada nin ayaa waxa ay qirteen inay Litvinenko kula kulmeen magaalada London dhowr goor, oo ay ku jirto marka la tuhunsan yahay in sumeyntu ay dhacday, hase yeeshee waxa ay beeniyeen inay ku lug lahaayeen geeridiisa.

Russia waxa ay diiday inay labadaas nin usoo masaafuriso Britain, si loo maxkamadeeyo.

Litvinenko, ayaa noqday nin aan hadalka la gabban oo dhaleeceeyey Putin, kahor inta uusan kasoo cararin Russia sanadii 2000, oo uusan usoo guurin London.

XS
SM
MD
LG