Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo ra'iisul-wasaare cusub yeelatay


David Cameron, Hogaamiyaha xisbiga muxaafadka ayaa noqday ra'iisul-wasaaraha cusub, wuxuuna xukuumad wadaag la dhisayaa xisbiga Lib-Dem.

Hogaamiyihii xisbiga Muxaafadka David Cameron ayaa noqday ra’iisal wasaaraha cusub ee waddanka Britain. Arrintani waxay timid ka dib markii Ra'iisul-wasaare Gordon Brown uu iscasilay.

Xisbiga Muxaafidka ee Mr. Cameron uu hogaamiyo ayaa dawlad wadaag ah la galay xisbiga Liberal Democrats-ka.

Isbeddelka ku yimid Britain ayaa soo afjaraya xaallad siyaasad aan kala caddeyn oo 5-tii maalmood ee ugu danbeeyay ka jirtay halkaasi, kadib markii doorashooyinkii khamiistii dhacay aanu xisbina ku guulaysan codkii aqlabiyadda lahaa ee uu kaligii xukuumad ku soo dhisi lahaa.

Xukuumada cusub ee wadaagga ah ayaa bilowday in ay ka dooddo ajendayaasha siyaasadeed ee horyaala oo ay miisaaniyaddu ugu weyn tahay.

XS
SM
MD
LG