Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo Raadinaysa Dad la Waayay


Britain oo Raadinaysa Dad la Waayay
Britain oo Raadinaysa Dad la Waayay

Dawladda Britain ayaa raadinaysa dad badan oo hore u weydiistay magangaliyo, hase ahaatee aan imika laga war hayn meesha ay mareen.

Guddi hoosaadka baarlamaanka Britain ugu qaybsan arimaha gudahu waxaa ay sheegeen in sanadkii 2006kii ay soo baxday in ay hay’ada UK Border Agency, ay sanadkii 2006kii u yaaleen 450.000 oo arji oo magan gelyo lagu doonayo oo aan wali go’aan laga gaadhin, kuwaasi oo ay xildhibaanadu sheegeen in todobadii qof ee araajidaasi soo dalbadayba mid ka mid ah la waayay meel uu jaan iyo cidhib dhigay.

Warbixintan ayaa waxaa ay guddigaasi baarlamaaniga ahi ku sheegeen in ay hay’adaasi ay ka baaqsatay in ay weli buuxiso hawshii looga fadhiyay,iyada oo sida warbixintaasi lagu sheeggay dib u dhayada ku imanaya araajida magan gelyo doonka ah iyo hawsha hayadaasi isku gaadhaysaba wax laga saarayo inaanay marka ugu horaysaba go;aamo aanay ka gaadhin araajida dadka magan gelyo doonka ah

Warbixintan ayaa xildhibaanada soo saaray waxaa ay ku sheegeen in iyaga oo rumaysan inaanay hayada UK Border Agency ee hawaasi qaabilni aanay ahayn in ay wakhti aan xiddidnayn ay ku bixiso in ay baadi doonto dadka la la’yahay ee araajida magan gelyada ah soo gudbistay in ay hadana xildhibaanadu ay ka walaacsan yihiin tirada aadka u badan ee araajida aan dhinacnaba u dhicin ee wali u yaalla

Gudoomiyaha guddi hoosaadka baarlamaanka ugu qaybsan arimaha guddaha Keith Vas ayaa sheeggay in inta badan uu dibu dhaca hawshaasi ka yimaado sida go’aamada loogga gaadho araajida magan gelyo doonka ah oo marka horeba liidata.

XS
SM
MD
LG