Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo Qabanaysa Shir ku Saabsan Soomaaliya


Britain oo Qabanaysa Shir ku Saabsan Soomaaliya
Britain oo Qabanaysa Shir ku Saabsan Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu sannadka soo socda qaban doono shir balaadhan oo diirrada lagu saarayo halista burcad-badeedda Soomaaliya iyo xasilloonida darida ka jirta dalka Soomaaliya.

Mr Cameron oo hadalkan ka sheegay khudbad uu Isniintii jeediyay ayaa xusay in la gaadhay waqtigii laga hortagi lahaa burcad-badeedda oo uu isagu ku tilmaamay inay yihiin rag qaswadayaal sharci darro ah oo aan la arki karayn.

Mr Cameron ayaa sheegay in shirkan oo ka dhici doona magaalada London looga hadli doono ilaalinta maraakiibta maraya Gacanka Cadan iyo sidoo kale in cadaadis la saaro kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya. Ra’iisul-wasaare Cameran ma uusan sheegan taariikhda uu dhici doono shirku.

Cameron ayaa Soomaaliya ku tilmaamay “dal guuldaraystay” oo si toos ah halis ugu ah danaha dalka Britian, iyo in Soomaaliya tahay dalk dalxiisayaasha iyo shaqaalaha gar-gaarka lagu afduubto xilli dadka Soomaalidu ay la ildaran yihiin macluul.

Ra’iisul-wasaaraha Britain ayaa bishii hore ku dhawaaqay qorshe u ogolaanaya markaakiibta ganacsiga ee wata calanka Britain ee maraya biyaha bariga Africa inay qaataan ilaallo hubeysan oo ka caabisa burcad-badeedda.

XS
SM
MD
LG