Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo Kordhineysa Kaalmada Soomaaliya


Britain oo Kordhineysa Kaalmada Soomaaliya
Britain oo Kordhineysa Kaalmada Soomaaliya

Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ee dalka Britain ayaa sheegay inay dadaalkooda diiradda ku saari doonaan wax ka bedelka xaaladda Nolosha.

Dowladda Britain ayaa sheegtay inay saddex jibbaar ka dhigeyso kaalmada ay siiso Soomaaliya, saddexda sano ee soo socota, si Soomaalida loogu abuuro shaqooyin iyo fursado kale oo ku dhiirigelin kara Soomaalida si ay u helaan meel ay si nabad ah nolol ugu sameysan karaan.

Xoghayaha horumarinta caalamiga ee dalka Britain Andrew Mitchel oo ka hadlay kulan dib loogu eegayay barnaamijka horumarinta ee gudaha aqalka baarlamanaka ee Comons ayaa sheegay in dadaalkooda ay diiradda ku saari doonaan meesha ay ku xooggan tahay baahida.

Mr. Mitchell ayaa sidoo kale sheegay inay kordhinayaan dadaalka ay ugu jiraan yareynta fakhriga haysta dhowr gobol oo ay colaado iyo burbur ay hareeyeen.

UK ayaa sheegtay in barnaamijkan ujeedadiisu ay tahay wax ka qabashada xaaladaha bani’aadamnimo ee ka dhashay dagaalada, xoojinta degaanada ay xasiloonidu ka jirto iyo horumarinta sharciga dowladnimo si loo helo nabad wakhti dheer.

Britain ayaa rajeyneysa in barnaamijkan cusub ee ay ku gargaareyso Soomaaliya uu wax weyn ka tari doono in la helo deganaansho wakhti dheer si wax looga bedelo nolosha dadka.

Britan ayaa sheegtay in Soomaaliya ay sanad gudihiis ugu yaraan 500,000 u fidin doonaan gargaar bani’aadamnimo oo deg deg ah, kaasoo wax lagaga qaban doono nafaqo darrida, kordhinta tallaalka caruurta, caafimaad iyo biyo nadiif ah.

XS
SM
MD
LG