Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo ka Hadashay Burcad-badeedda


Britain oo ka Hadashay Burcad-badeedda
Britain oo ka Hadashay Burcad-badeedda

Sharci-dejiyeyaasha dalka Britain ayaa dawladooda ku boorinaya inay caddeyso markii xoog aad u badan loo adeegsan karo burcad-badeedda.

Sharci-dejiyeyaasha dalka Britain ayaa dawladooda ku boorinaya inay caddeyso markii xoog aad u badan loo adeegsan karo burcad-badeedda.

Codsigani waxa uu qeyb ka yahay warbixin Khamiistii maanta kasoo baxday Guddiga Arrimaha Dibadda ee baarlamaanka dalka, kaasoo soo dhaweeyey go’aankii ay xukuumaddu sanadkii hore ku ogolaatay in maraakiibta biyaha khatarta badan maraya ee Britain ay ilaalo hubaysan kaxaysan karaan.

Guddiga ayaa sheegay in kabtanada maraakiibta wadaa ay wali u baahan yihiin amaro cad-cad oo ka hadlaya waxa ay sameyn karaan marka ay burcad-badeedu khatar galiso.

Britain ayaa sheegtay in tiro kooban oo maraakiibteeda ah lasoo weeraray, laakiin ay burcad-badeedu khatar ku hayso dhaqaalaha dalka, iyada oo dhaawacaysa bangiyada, caymiska, ganacsida maraakiibta.

Warbixinta ayaa sheegtay in afartii sano ee lasoo dhaafay burcad-badeedda Soomaalida la siiyey in ka badan 300 oo milyan oo dollar, laakiin aan wax badan laga ogeyn halka lacagtaas la dhacay ay ku dambeysay.

Sharci-dejiyeyaasha ayaa sheegay in maraakiibta dagaalka ee dalalka kala duwan ee ka howlgala badda Somalia ayna raad badan ku yeellan wax ka qabashada burcad-badeedda.

XS
SM
MD
LG