Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo Ammaantay Doorashada Somaliland


Henry Bellingham, Wasiirka Arrimaha Afrika ee Britain ayaa amaanay hanaankii doorashada ee Somaliland

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay wasaarada amuuraha debedda ee Britain, wasiirka dawlada cusub ee Britain ugu qaabilsan arrimaha Africa, Henry Bellingham ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo doorashooyinkii muhiimka ahaa ee madaxwaynenimada ee maalintii Sabtidii ee bishan June 26keedii ka dhacay Somaliland.

Wasiirku waxaa uu sheegay in ay hawshaasi ilaa imika ku socoto si nabad gelyo ah, oo sida uu sheegay ay taasina tusaale u tahay dul-qaadka sanadahii aynu ka soo gudubnay wax ku biiriyay xasiloonida ka jirta Somaliland. Wasiirku waxaa uu intaasi ku daray inuu qirsan yahay hawsha xirafadda sare leh ee ay sameeyeen guddiga doorashooyinka qaranku, waxaana uu sheegay inuu axsaabta siyaasadda ku amaanayo ololahii ay ku galeen sida nabad gelyada ah ee ka horeeyay maalintii doorashadu ay qabsoontay

Wasiirka Britain ugu qaabilsan arimaha Africa, Henry Bellingham waxaa uu sheegay inuu ku boorinayo dhamaanba axsaabta siyaasadu in ay sii wadaan in ay xurmeeyaan hanaanka ay hawshaasi ku socoto oo ay kana war sugaan ilaa inta ay guddiga doorashooyinka qaranku ku dhawaaqayaan natiijooyinkii ka soo baxay doorashooyinka. Wasiirku waxaa kale oo uu sheeggay in ay Dawlada Britain ay sugayso in ay si wayn ula shaqayso Somaliland, xisbi kasta oo doorashooyinka ku guulaysta.

XS
SM
MD
LG