Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Brazil oo 2-1 uga Badisay Waqooyiga Kuuriya


Brazil oo 2-1 uga Badisay Waqooyiga Kuuriya
Brazil oo 2-1 uga Badisay Waqooyiga Kuuriya

Xulka Brazil ayaa ciyaar adag la yeeshay xulka waqooyiga Kuuriya, taasi oo ku dhamaatay 2-1.

Xulka Kuuriyada Waqooyi ayaa soo bandhigay ciyaar adag oo dhinaca difaaca u badnayd waxaana ay ku guulaysteen in ay iska caabiyaan xidigaha Brazil iyaga oo qaybtii koowaad ku dhamaystay bar bar dhac 0-0.

Qaybtii dambe ee ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 55aad ayaa ciyaaryahanka Maicon uu u dhaliyay Brazil goolkii koowaad, waxaana ku soo xigay gool kale oo uu soo dhisay laacibka Robinho oo kubadda si qurux badan ugu dhiibay Elano oo dhaliyay goolkii labaad daqiiqadii 73aad.

Xulka kubadda cagta ee Kuuriyada Waqooyi oo 44 sanadood ka hor ay ugu dambaysay ciyaaraha adduunka ayaa ku guulaystay in ay gool dhaliyaan daqiiqaddii 89aad kaasi oo uu dhaliyay Yun-Nam Ji.

XS
SM
MD
LG