Isku xirrada

War

Bosaso: Weriye lagu xukumay xarig


Bosaso: Weriye lagu xukumay xarig

Bosaso: Weriye lagu xukumay xarig

Maxkamd ku taalla Boosaaso ayaa maanta xadhig sannad ah ku xukuntay Faysal Maxamed Xasan oo ka mid ah weriyayaasha website-ka Hiiraan Online

Maxkamd ku taalla Boosaaso ayaa maanta xadhig sannad ah ku xukuntay Faysal Maxamed Xasan oo ka mid ah weriyayaasha website-ka Hiiraan Online.

Weriyahan oo la xidhay dhamaadkii bishii June ayaa lagu eedeeyay inuu website-ka Hiiraan Online ku soo daabacay warar been abuur ah oo ku saabsan dilal ka dhacay Boosaaso.

Qareenka Saxafigan, Max'ed Cabdi Gurey ayaa sharci darro ku tilmaamay xukunka iyo eedda loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xadhiga saxafigan.

Qaar ka tirsan Saxafiyiinta Puntland ayaa iyagu ka horyimid xukunka ay maxkamaddu riday.

XS
SM
MD
LG