Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Suxufi Cabdifataax Mire oo la sii Daayey


Boosaaso: Suxufi Cabdifataax Mire oo la sii Daayey
Boosaaso: Suxufi Cabdifataax Mire oo la sii Daayey

Agaasimaha Idaacadda Horseedmedia C/fitaah Jaamac Mire ayaa xoriyadiisii dib u helay kaddib markii uu qiyaastii 3 bilood xabsiga ku jiray.

Waxa saaka xabsiga magaalada Boosaaso laga soo daayey Cabdifataax Jaamca Mire oo ahaa saxafi tafaftire ka ahaa warbaahinta Horseedmedia ee fadhigeedu yahay Boosaaso.

Siideynta ayaa ka danbeysay markii uu cafis u fidiyay madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole.

Saxafigan ayaa la xiray kaddib wareysi uu la yeeshay Maxamed Siciid (Atom) oo ah nin mucaarad ku ahaa Maamul-goboleedka Puntland, dagaalna kula galay deegaanka Galgala.

Dhageyso wareysiga VOA la yeelatay C/fitaah Jaamac Mire.

XS
SM
MD
LG