Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bosaso: Dhalinyaro Dil iyo Xarig lagu Xukumay


Bosaso: Dhalinyaro Dil iyo Xarig lagu Xukumay
Bosaso: Dhalinyaro Dil iyo Xarig lagu Xukumay

Maxkamadda Dambiyada Culus ayaa sheegtay in go’aankan ay gaartay uu yahay mid biyo kama dhibcaan ah, loona cuskaday sharciga la dagaalanka argagixisada

Maxkamadda Dambiyada Culus ee Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay afar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay xiriir la lahaayeen kooxda al-Shabaab, mid kalena afar sano xarig ah lagu xukumay.

Waalidiinta iyo qareenada dhalinyaradaasi ayaa racfaan ka qaatay xukunkaasi.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda dambiyada culus, Bashiir Cabdi Garas ayaa sheegay in dhalinyaradaasi lagu helay inay ka qeyb qaateen falal argagixiso iyo ka qeyb qaadasho shirqoolo dilal ku saleysan.

Wuxuu sheegayin go’aanka ay maxkamaddu gaartay uu yahay mid biyo kama dhibcaan ah, loona cuskaday xeerka la dagaalanka argagixisada oo dhowaan uu ansixiyay baarlamaanka.

XS
SM
MD
LG