Isku xirrada

War

Bosaso: Garsoore Xabsiga la Dhigay

  • VOA Somali

Bosaso: Garsoore Xabsiga la Dhigay

Bosaso: Garsoore Xabsiga la Dhigay

Booliska Bosaso ayaa xiray garsoore ka tirsanaa maxkamadda gobolka Nugaal, ka dib markii uu dhaliilay xil ka qaadis lagu sameeyay.

Ciidamada Ammaanka ee Puntland ayaa shalay xabsiga u taxaabay Garsoore Maxamed Maxamuud Xirsi (Dhuuke) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Maxkamadda gobolka Nugaal, kaasoo ka mid ahaa inka badan 20 garsoore oo uu xil ka qaadis ku sameeyay madaxweynaha Puntland.

Xarigga Garsoorahan ayaa loo aaneynayaa ka dib markii uu ka hadlay qaar ka mid ah warbaahinta, uuna sheegay in xil ka qaadistiisu aan sharciga loo marin.

Garsoore Maxamed Maxamuud Xirsi ayaa la xaqiijiyay in uu ku xiran yahay xabsiga dekeda Boosaaso, ilaa iyo haddana maamulka Puntland wax hadal ah kama uusan soo saarin xarigga garsoorahaasi.

Waa markii ugu horreysay ee xabsiga la dhigo, garsoore ka tirsan maamulka Puntland.

Dhanka kale, qaar ka mid ah culimaa'uddiinka magaalada Gaalkacayo ayaa cambaareeyay xarig magaalada Boosaaso loogu geystay guddoomiye ku xigeenkii hore ee maxkamadda gobolka Nugaal, Garsoore Maxamed Maxamuud Xirsi (Dhuuke) oo ay ciidamada amnigu shalay xireen.

Sheekh Yaasiin Cali Seylaan oo la soo xiriiray VOA ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inay si sharci darro ah u xireen garsoorahaasi oo uu sheegay inuu ka tirsan culimada, isla markaana si wanaagsan u gudanayay hawshiisa.

Sheekh Yaasiin Cali Seylaan ayaa ku tilmaamay xarigga garsooraha mid lagu doonayo in dadka lagu caburiyo.

XS
SM
MD
LG