Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bosaso: Booliska oo Qabaqabasho Sameeyay


Bosaso: Booliska oo Qabaqabasho Sameeyay
Bosaso: Booliska oo Qabaqabasho Sameeyay

Ciidanku waxay sheegeen inay ku tuhmeen guryahaasi inay deganaanyeen rag ka dhan ah ammaanka Puntland.

Ciidamada amniga ee Puntland ayaa maanta la wareegay 7 guri oo ku yaalla magaalada Boosaaso, iyo dad aan la qiyaasin oo ay xabsiga u taxaabeen.

Taliye ku xigeenka Qeybta booliska gobolka Bari Korneyl Cawil Axmed Jaamac ayaa VOA u sheegay in guryahaasi ay ciidanku ula wareegeen ka dib markii ay uga shakiyeen inay deganaayeen rag looga shakiyay inay liddi ku yihiin ammaanka Puntland.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay guryahaasi ciidanku gacanta ku hayn doonaan ilaa inta uu ka soo dhammaanayo baaritaan ay sameynayaan, hase yeeshee wuxuu ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo tirada dadka ay xir xireen.

XS
SM
MD
LG