Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bosaaso: Xildhibaan ka horyimid xukun maxkamadeed


Bossaso
Bossaso

Xildhibaan ka tirsan Puntland Axmed Cabdi Xabeeb ayaa ku eedeeyay maxkamad ku taal Bosaaso inay maqraati la'aan xukun dil ah riday.

Xildhibaan Xabeeb waxaa uu maanta goobjoog ka ahaa dhagaysiga sadex nin oo maxkamada darajada koowaad ee Boosaaso ay dil iyo sanooyin ku xukuntay, kadib markii lagu eedeeyey inay ka danbeeyeen dilkii gudoomiyihii hore ee maxkamadaasi.

Xildhibaanku wuxuu ku dooday in aan marqaati ku filan kiiskaasi la keenin maxkamada. Dhinaca kale Xeer-ilaaliyaha maxkamada darajada koowaad ee Boosaaso, Axmed Taaran ayaa qaadacay eedayntaasi, wuxuuna sheegay in xukunnada maanta ay maxkamadu riday loo maray wadiiqada sharciga.

Maxkamadaasi ayaa sidoo kale maanta dhagaysatay kiisaska laba nin oo lagu eedeeyey inay geysteen dilkii xildhibaan Maxamed Cabdi Daqare oo lagu dilay todobaadkii hore magaalada Boosaaso. Maxkamadu waxay labada nin ku kala xukuntay dil iyo sanooyin xabsi ah.

Warbixinta arrintaas ku saabsan qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG