Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boqolaal Muhaajiriin ah oo ku Xaniban Budapest


Muhaajiriinta oo muujinaya tikidhadooda tareenka ay ku raaci lahaayeen., Sept. 1, 2015.
Muhaajiriinta oo muujinaya tikidhadooda tareenka ay ku raaci lahaayeen., Sept. 1, 2015.

Mas’uuliyiinta dalka Hungary ayaa xiray xarunta tareenka ee ugu weyn magaalada Budapest, halkasi oo ay ku xaniban yihiin boqolaal muhaajiriin, oo badankood ka yimid Bariga Dhexe.

Mas’uuliyiinta dalka Hungary ayaa xiray xarunta tareenka ee ugu weyn magaalada Budapest, halkasi oo ay ku xaniban yihiin boqolaal muhaajiriin, oo badankood ka yimid Bariga Dhexe.

Dadkaasi ayaa waxa ay isku dayayaan inay u gudbaan dalalka Austria iyo Germany.

Boqolaal boolis ah ayaa si qasab ah dadka uga kaxeeyey xarunta tareenka bari, waxayna u diideen inay dib usoo galaan, kadib markii ay sameecado waa weyn ku amreen in goobta dadka laga daad gureeyo.

Illaa iyo hadda ma jiraan wax warar ah oo ku saabsna isku dhacyo la mid ah kuwii dhacay maalin ka hor, markii boqolaal dad ah ay isku dayeen inay xoog ku galaan tareen u socday magaalada Vienna.

Muhaajiriinta ayaa buushash ka sameystay bannaanka xarunta tareenka oo ay seexanayaan, waxayna ku qeylinayeen ereyo a ka mid ahaayeen “Xorriyad! Xorriyad!”.

XS
SM
MD
LG