Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso oo Dad Badan Lagu Qabqabtay


Boosaaso oo Dad Badan Lagu Qabqabtay
Boosaaso oo Dad Badan Lagu Qabqabtay

Dadkaaasi la qabqabtay oo tiradoodu ay gaareyso 40meeyo ayaa tan iyo caawa lagu hayaa Saldhigga Bartamaha ee magaalada Boosaaso.

Ciidamada booliska Puntland ayaa maanta dad badan ka qabqabtay xaafadaha dhanka Bari ee magaalada Boosaaso, waxaana qabqabashadani ay dhacday iyadoo dhowrkii habeen ee u dambeeyay ay dilal ka dhaceen bartamaha magaalada.

Ciidamada booliska oo wata baabuurta shabaqlaha ee maxaabiista lagu qaado ayaa saaka aroornimadii ku kallahay xaafado ku yaalla dhanka Bari ee magaalada Boosaaso oo ay ku badan yihiin dad ka soo jeeda gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Waxaanay ciidamadu bilaabeen inay qabqabtaan qaar ka mid ah dadkii deganaa xafadahaasi oo qaarkood guryaha ay ugu galeen qaarna ay waddooyinka ka qabqabteen, sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Dadkaaasi la qabqabtay oo tiradoodu ay gaareyso 40meeyo ayaa tan iyo caawa lagu hayaa Saldhigga Bartamaha ee magaalada Boosaaso.

Nin magaciisa ku soo koobay Maxamed oo saldhigga gudihiisa joogay ayaa VOA-da u sheegay in ilaa 35 qof ay xiran yihiin oo u badan ganacsato ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya oo mehrado ganacsi ku leh magaalada Boosaaso.

Wuxuuna qofkaasi ii sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay bileyska uga dhaadhicin lahaayeen in raggaasu yihiin ganacsato goobo muhiim ah ku leh Suuqa weyn ee magaalada Boosaaso.

Horey ayay ciidamada ammaanka ee Puntland sida oo kale dad ugu qabqabteen magaalada Boosaaso, qaar badan oo dadkaasi ka mid ahina waxaa loo masaafuriyay ilaa magaalada Gaalkacayo.

XS
SM
MD
LG