Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Odayaal iyo Ganacsato la Xiray


Boosaaso: Odayaal iyo Ganacsato la Xiray
Boosaaso: Odayaal iyo Ganacsato la Xiray

Wasiir ku xigeenk amniga ee Puntland ayaa sheegay in Odayaasha ay xal ka keeni waayeen dagaalo ka dhagay deegaano ka tirsan gobolka Bari.

Odayaal iyo Ganacsato ayaa maalintii Talaadada ahayd lagu xiray magaalada Boosaaso, kuwaasoo ilaa iyo hadda ku xiran xabsi ku yaalla saldhigga bartamaha.

Wasiir ku xigeenka Amniga ee Puntland C/risaaq Xareed Ismaaciil ayaa VOA-da u sheegay in xarigga odayaashaasi uu daba socdo dilal ku saleysan aargoosi qabiil oo ka dhacay magaalada Boosaaso, oo todobaadyadii u dambeeyay ka geystay.

Wasiirka ayaa sheegay in odayaasha ay xal ka keeni waayeen dagaalada ka socda miyiga isla markaana saameyn ku soo yeeshay magaalada in markaasi ay ku wadahadli doonaan xabsiga gudihiisa.

Dagaalka u dhaxeeya labada beelood waxa uu ka bilowday deegaanka Igdhays ee degmada Ufayn ee gobolka Bari.

XS
SM
MD
LG