Isku xirrada

War

Boosaaso: Hal Qof oo ku Dhintay Qarax Miino


Boosaaso: Hal Qof oo ku Dhintay Qarax Miino

Boosaaso: Hal Qof oo ku Dhintay Qarax Miino

Ciidamada ammaanka ayaa qabqabtay qaar ka mid ah dadkii ka ag dhowaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Qarax miino oo subaxnimadii hore ee saaka ka dhacay magaalada Bosaaso waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof, labo kalena way ku dhaawacmeen.

Qaraxan oo ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa miino dhulka la geliyay, taasoo lagu qarxiyay gaari ay la socdeen saddex ruux oo mid ka mid ah uu ka tirsanaa odayaasha degmada Galgala.

Qofka ku dhintay qaraxaasi miinada ayaa la sheegay inuu ahaa wadihii gaariga.

Ciidamada amniga ee Boosaaso oo goobta qaraxu ka dhacay gaaray ayaa la sheegay inay qabqabteen qaar ka mid ah dadkii ka ag dhowaa goobta qaraxu ka dhacay.

XS
SM
MD
LG