Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boorama: Banaanbax rabshado wata oo dhacay


Boorama: Banaanbax rabshado wata oo dhacay
Boorama: Banaanbax rabshado wata oo dhacay

Dhaawaca saddexda qof ayaa yimid ka dib markii ciidamada ammaanku ay rasaas ku fureen dad mudaaharaad ka sameynayay magaalada Boorama.

Inta la ogyahay saddex qof ayaa ku dhaawacantay rasaas ay ciidamada ammaanku ku fureen dad mudaaharaad ka sameynayay magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Boorama kuwaasoo la sheegay inay ka gadoodsan yihiin maxaabiis loo xirxiray inay gawaari ku daabuleen xoogag ka tirsan jabhadda ONLF oo la sheegay in laga soo dejiyay xeebaha Soomaaliland.

Dadka ayaa dhagxaan bilaabay ka dib markii gaari Surf ah lagu dhuftay gaari bileysku wateen oo waday maxaabiis la eedeeyay.

Waxaana la sheegay in dadkii mudaaharaadka sameynayay ay la baxsadeen mid ka mid ah raggii maxaabiista ahaa.
Rasaastii boolisku fureen waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan saddex qof oo isugu jiray rag iyo dumar.

Dadka mudaaharaadka sameynayay waxay ku cabanayeen in la damacsan yahay in ragga xiran la doonayo in ciidamada Itoobiya loo gacan geliyo. Balse taliyaha ciidamada gobolka Maxamed Cabdi ayaa VOA-da u sheegay inaanay waxba ka jirin warkaasi sheegaya in ciidamada Itoobiya loo dhiibayo maxaabiista ay hayaan.

XS
SM
MD
LG