Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booqashada Madaxweyne Sharif ee Sudan


Booqashada Madaxweyne Sharif ee Sudan
Booqashada Madaxweyne Sharif ee Sudan

Madaxweyne Sherif ayaa la sheegayaa in booqashadiisa Sudan ay ugu weyn tahay dhameystirka daabacaadda lacago Shilin Soomaali ah

Madaxweynaha Somalia Sherif Sheekh Axmed ayaa booqasho ku jooga waddanka Sudan. Madaxweynaha ayaa booqashadiisu ay la xiriirtaa sidii loo dhameys tiri lahaa heshiis ay Somalia iyo Sudan wada galeen oo ku saabsan daabacaadda lacag cusub oo ay DFKM ahi horey u weydiisatay dawladda Sudan. Sidaas waxa sheegay safiirka dawladda Somalia u fadhiya magaalada Khartuum Mahdi Abukar Maxamuud. Safiirka waxa kale oo uu sheegay in ujeedada booqashadu ay tahay sii xoojinta xiriirka labada dal.

Safiirka ayaa sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadleen ammaanka Afrika, gaar ahaan ka Geeska Afrika iyo Somalia. Safiirka ayaa sheegay in Sudan ay Somalia ka caawinayso xal u helidda arrimaha Somalia oo ay ka shaqeyanyso sidii ay iskugu soo dhaweyn lahayd kooxaha mucaaradka ah iyo dawladda maaddaama, sida safiirku sheegay, ay kooxihii Islaamiyiinta ay wada tirsanayeen.

Doorka Sudan ee ururka IGAD oo lagu tilmaamaa mid aan inta badan caddeyn marka ay timaado arrinta Soomaalida, isagoo arrintas ka hadlaya, ayaa safiirku sheegay in Sudan ay mar walba taageero diyaar ula tahay shacabka Soomaaliyeed isaga oo aan sii faahfaahin nooca taageerada. Waxan uu intaas raaciyey in Sudan ayna ciidan nabad ilaalineed ku caawin karin Somalia, maaddaama ayna ciidan u dirin waddamada dibedda, laakiisne ay mar walba caawiso Somalia.

XS
SM
MD
LG