Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliis Hubeysan oo ka Howlgalaya London


Britain Police
Britain Police

Ciidamada Booliska ee magaalada London ayaa la kordhiyay tiradooda – waxaa lagu daray 600 oo ah ciidanka hubaysan, kuwaas oo ka howlgalaya gabi ahaamba magaalada London si ay uga hortagaan hanjabaad kasta oo hoor seedi karta weerar dhaca.

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo beegmaysa iyadoo wali heerka hanjabaadaha weerarada argagixisadu uu aad u sareeyo. Talaabadan cusub waxaa qayb ka ah sidii loola tacaali lahaa khatar kasta oo weerar oo la filan karo xilli weeraro dhiig badani ay ku daateen ay ka dhaceen qaar kamid ah dalalka Yurub.

“Cid kasta oo la socotay waxyaabihii ka dhacayay Yurub todobaadyadii aynu soo dhaafnay, waxaa ay fahmi kartaa sababta aanu u doonayno in aan u difaacno dadweynaha.” Sidaasi waxaa war-saxaafadeed la gaarsiiyay warbaahinta ka sheegay Bernard Hogan-howe, Taliyaha ciidanka Booliska ee Britain

Taliyuhu waxaa uu intaasi ku daray in ay xaqiiq tahay in loo baahanh yahay in ciidanka booliska ay noqdaan kuwo hubaysan marka laga hortagayo weerarada halista ah, taas oo micneheedu yahay in ciidanku ay ka hortagi doonaan khatar kasta iyagoo hubkooda sita.

Booliska London ayaa lagu yaqaanaa in badankoodu aysan hubaysnayn, Tirada cusub ee lagu kordhiyay booliska ee hubaysanna waxaa ay ka howlgali doonaan guud ahaan goobaha dadweynaha ee guud ahaan London iyagoo lugaynaya ama wata gaadiid.

Magaalada Lonodn waxaa 7 July , 2005 ka dhacay weeraro qorshaysan iyo qaraxyo ay ka dambeeyeen dadka xagjirka ah, kuwaas oo lala eegtay sadex goobood oo laga raaco tareenada dhulka hoostooda mara iyo xarun laga raaco basaska. Weeraradaasi waxaa ku dhintay 52 qof ay gaysteen.

Xiligaasi wixii ka dambeeyayna waxaa la fashilayay weeraro la damcsanaa in dadweynaha lagu qaado, waxaa sidoo kalana sanadkii 2013-ka labo nin oo xagjir ah ay ku dileen koonfurta London nin ka tirsanaa ciidanka milatariga dalka Britain.

XS
SM
MD
LG