Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Illaa Afar Qof oo ku Dhimatay Dagaal ka Dhacay Jalalaqsi


Wararka ka imaanaya Dagmada Jalalqsi ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in iska hormaad sababay dhimasho iyo dhaawacay uu xalay ku dhexmaray degaanka Ceel Qoryaale Ciidamo dowladda Soomaaliya ka tirsan iyo Maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab.

Sida ay VOAdu heshay Isku horimaadka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 4 ka tirsan dhinacyadii dagaalamay 3 kalana waxaa ka soo gaadhay Dhaawac.

Guddoomiyaha Jalalaqsi Maxamed Cabudulle Fiidoow ayaa VOA u xaqiijiyay in degaankaas ay ciidamadoodu hawlgal u tageen ka dib markii ay ka war heleen Maleeshiyaadka Alshabaab oo Xoolo Zako ah xoog uga qaadayay dadka degaanka.

XS
SM
MD
LG