Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taariiq nololeedka Wasiirkii Ciyaaraha ee Geeriyooday


Taariiq nololeedka Wasiirkii Ciyaaraha ee Geeriyooday
Taariiq nololeedka Wasiirkii Ciyaaraha ee Geeriyooday

Saleeban Colaad Rooble wuxuu ka tirsanaa guddigii fulinta ee SAMO/SSA. 2004 wuxuu noqday xildhibaan, 2009-na waxaa loo doortay wasiir.

Saleebaan Colaad Rooble oo ahaa Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Riyad. Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii Hotel Shaamow.

Saleebaan, wuxuu siyaasada ku soo biiray 1996 wuxuuna ka mid ahaa guddigii fulinta ee ururkii SAMO/SSA. 2004-tii waxaa uu ka mid noqday xildhibaanada barlamaanka KMG. Saleebaan Colaad, xilligii ciidamada Ethiopia wuxuu ka mid ahaa xildhibaanadii ka horyimid, isagoo ku biiray xildhibaanadii Asmara saldhiga ka dhigtay.

Saleebaan Colaad, wuxuu ahaa afhayeen Isbahaysigii ARS garabkii Djibouti, kadibna waxaa Bishii Febraayo loo magacaabay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

Warbixinta kooban ee ka hadlaysa Saleebaan Colaad qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG