Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bileyska Kenya oo Qaraxyo Lagu Weeraray


Bileyska Kenya oo Qaraxyo Lagu Weeraray
Bileyska Kenya oo Qaraxyo Lagu Weeraray

Qaraxyadu waxay ka kala dhaceen xaafadaha Islii iyo Kazarani ee magaalada Nairobi.

Ugu yaraan labo ka tirsan booliska dalka Kenya ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo maanta loogu geystay xaafado ka tirsan magaalada Nairobi.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay xaafadda Islii ee ay Soomaalidu ku badan yihiin abbaare 8:30-kii subaxnimo ee Jimcihii, kaasoo loo geystay gaari ay la socdeen askar boolis ah.

Hal askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Sarkaaal u hadlay booliska ayaa sheegay in weerarkaasi uu calaamad u yahay in khatarta argagixisadu ay ka jirto dalka Kenya iyo guud ahaan caalamka.

Qaraxa labaad waxaa uu ka dhacay xaafadda Kazarani halkaasoo askari boolis ah lagu dilay.

Weli lama hayo ciddii ka dambeysay qaraxyada maanta ka dhacay Nairobi.

XS
SM
MD
LG