Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biden oo maamul wanaag ku baaqay.


Madaxweyne ku-xigeenka Maraykan Joe Biden ayaa sheegay in Maraykanku uu Kenya caawin doono haddii ay la yimaaddaan maamul wanaag.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka Maraykanka Joe Biden ayaa shir jaraa’id uu la qabtay Madaxweynaha Kenya ku sheegay inuu rajo fiican ka qabo in hoggaamiyayaasha dalka Kenya ay isbedel ka sameynayaan dhinaca siyaasadda.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegey haddii ay Kenya hirgeliso isbedellada looga baahan yahay in taasi ay u gogol xaari karto maalgelin hor leh iyo dalxiiska dalka oo kobca.

Labada hogaamiye ayaa ka hadlay burcad-badeedda iyo maleeshayooyinka ka dagaalama Soomaaliya oo ay sheegeen inay xasilooli darro ka abuuri karaan waddanka Kenya.

Joe Biden, wuxuu dalka Kenya uga mahadceliyay taageerada iyo martigalinta qaxootiga Soomalaiyeed ee ka soo cararay dagaallada Somalia.

XS
SM
MD
LG