Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bereket: Waxaan Dilnay 15 ONLF


Bereket: Waxaan Dilnay 15 ONLF
Bereket: Waxaan Dilnay 15 ONLF

Wasiirka isgaarsiinta ee dalka Itoobiya, Bereket Simon, ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay dileen 15 ka tirsan ONLF, kuwana ay qabteen.

Wasiirka isgaarsiinta ee dalka Itoobiya, Bereket Simon, ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay dileen 15 ka tirsan ONLF, kuwana ay xireen.

Wasiirku wuxuu Idaacaddan VOA, laanta Afsoomaaliga u sheegay in dadka la qabtay ay yihiin ilaa 6, oo ay ku jiraan laba qof oo ajnabi ah oo ka soo jeeda dalka Sweden.

Wararku waxay sheegayaan in labada qof ee ajnabiga ahi ay yihiin suxufiyiin ka tirsan wakaalad kuwa sawirada ah ee dalka Sweden.

Jabhadda ONLF ayaa cambaareysay weerarkaasi ay Itoobiya ku xir xirtay labadaasi suxufi.

Caddaan Hirmooge oo ka tirsan saraakiisha ONLF, ayaa VOA u sheegay in ay waayeen xiriirka labadaasi wariye Khamiistii aynu soo dhaafnay iyagoo ku sii jeeday gobolka Ogaden.

Wuxuu sheegay inay ku sii jeedeen si ay uga soo warramaan xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku sugan gobolkaasi.

XS
SM
MD
LG